Madaxweyne Xasan oo shir Maalgashi ah uga qeybgalay Jarmalka
Barlein November 06, 2024(QJ)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shirka Maalgashiga ee Jarmalka iyo Afrika, ee sare loogu qaadayo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.
khudbad uu madaxweynuhu madasha ka jeediyay Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah u leeyahay kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka, yareynta saameynta isbeddelka cimilada, iyo amniga.
Soomaaliya waxay hirgelisay dib-u-habayn dhaqaale iyo sharciyo ilaalinaya maalgashadayaasha si kor loogu qaado kobaca ganacsiga gaarka ah.
Madaxweynaha oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga, ayaa soo dhoweeyay maalgashadayaasha caalamiga ah, isagoo hoosta ka xariiqay firfircoonida iyo hal-abuurka ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed.