|

Madaxweyne Xasan oo sheegay in dalku doorasho toos ah gelayo

Muqdisho August 10, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay madaxda kala duwan ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada inay si firfircoon uga shaqeeyaan horumarka dalka. Waxa uu ku nuux-nuux saday in uusan raali ka ahayn in muddo kordhin loo sameeyo, isla markaana ay doorashadu ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la yareeyo shakiga iyo cabsida laga qabo xaaladda dalka, isagoo ku dhiirri-geliyay cid walba inay ka qayb-qaadato xoojinta nabadda iyo horumarka la gaaray.

Khudbaddii Jimcaha ee uu jeediyay Madaxweynaha, ayaa sidoo kale kaga hadlay dardargelinta dagaalka Al-Shabaab looga sifeynayo deegaannada weli gacantooda ku jira, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshayaasha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorasho ee dalka.

Dhawaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga doorashooyinka guud, kaasi oo dadka qaar ay u arkaan in uu yahay mid lagu doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Xukuumadda. Sababtuna waxay tahay iyadoo muddo ku dhow sannad iyo bar ay ka harsan tahay maamulka Xasan Sheekh, loo arko inaysan dhici karin in doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu abaabulo waqtigii loogu talagalay.

Comments are closed