Madaxweyne Xasan oo shacabka codsi u diray
Muqdisho Jan 01, 2023 (QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu manta jeediyay waxa uu shacabka uga warbixiyay waxqabadka dawladiisa ee todabadii bilood ee ina dhaafay.
Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sheegtay in sanadkani noqon doono mid dalka looga xoreeyo Al Shabaab isla markaana la wejihi lahaa adeeg iyo waxqabad.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo gunaanaday codsi uu ku dalbaday in mar dambe aysan Soomaalidu hoos isku fiirin oo khilaafaadka dhexdooda yaalla ay ka gudbaan, si dunida aan u hiigsano.