|

Madaxweyne Xasan oo markale ku noqday Eretria

Asmara March 17, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo oo labo maalmood ah uga bilaabatay dalka Eritrea, ayaa waxaa qaabilay Madaxweynaha dalkaasi, Isaias Afwerki.

Waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika.

Eriteriya ayaa horay u tababartay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo hadda ku howlan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dalkaa uu weli ka socdaan tababaro dheeraad ah oo la siinayo cutubyo kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Comments are closed