|

Madaxweyne Xasan oo Mareykanka kala hadlay taakulo la siiyo Soomaaliya

Washington December 14, 2022 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaleya shirka hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Africa uga socda Washington ayaa kulan gaar ah manta la yeeshay xoghayeyaasha arrimaha dibedda iyo difaaca ee Mareykanka Antony Blinken iyo Lloyd Austin oo shirka ka qeybgaleyay.

Kulanka oo ay sidoo kale Goobjoog ku ahaayeen madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Niger ayaa la sheegtay in ala iskula soo qaaday xaaladaha amni iyo kuwa abaaraha ee Sooomaaliya, war arinkan ku saabsan oo la baahiyayna laguma xusin waxkaqabashada arimahaa la isla soo qaaday.

Mareykanka ayaa Washington isgu yeeray 50 hogaamiye oo Africaan ah si wadashaqeynta labada dhan kor loogu qaado xili ay china iyo Russia isku balaarinayaan Qaarada.

Comments are closed