|

Madaxweyne Xasan oo la kulmay reysul wasaaraha Sweden Iyo Arimo ay ka wada hadleen

Addis Ababa 16.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowlada federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay reysul wasaaraha Sweden Kjell Stefan Löfvén  oo ka mid ah madaxda ka qeyb qaadaneysa shirweynaha caalamiga ee maalgashiga iyo  horumarinta.

SWEDENMadaxweynaha iyo reysul wasaaraha ayaa kulanka ay  yeesheen uga wadahadlay  xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo  barnaamijyada dowlada Sweden qorsheyneyso  inay ka taageerto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa mahadcelin u jeediyay  dowlada Sweden oo uu sheegay in ay  mar walba  garab taagan tahay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha 3-aad ee horumarinta iyo maalgashiga  ayaa sidoo kale magaalada Adis ababa kula kulmay xubno kale oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirweynaha.

Comments are closed