Madaxweyne Xasan oo la kulmay Haweenka Baarlamaanka
Muqdisho February 12, 2024 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha haweenka ah ee ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhameystirka howlaha horyaalla, hanaanka dowlad dhisidda, Dastuurka, iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in xubnaha haweenka ah ee baarlamaanka ka tirsan ay door muhiim ah ka ciyaaraan difaaca xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, hoggaanka dalka, iyo midnimada dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in doodaha hadda socda ee wax ka bedelka dastuurka looga hadlayo arrimaha khuseeya daryeelka guud ee haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.
“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo fikradaha qaldan ee saameeya shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku booriyay xubnaha haweenka ah ee labada gole ee baarlamaanka inay la yimaadaan doodo dhaxal gal ah, isla markaana ay saameyn ku yeeshaan ajandayaasha ay taageerayaan si loo xoojiyo qiyamka ay jecel yihiin.