Madaxweyne Xasan oo ka hadalay isbedelka cimilada
Nairobi February 29, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirka 6-aad ee Qaramada Midoobay ee is-beddelka cimilada ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay saameynta isbedelka cimilada adduunka, isagoo soo bandhigay khatarta ay ku leedahay nolosha bulshada iyo caqabadaha waaweyn ee haysta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in dalalka shirka ka qeyb galaya ay sameystaan xeelado iskaashi si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi caalami ah si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara isbedelka cimilada.
Wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada la tacaalida isbeddelka cimilada, isagoo xusay in dowladdu ay dejisay sharciyo looga dan leeyahay in lagu yareeyo saameynta isbeddelka cimilada iyo hirgelinta qorshayaasha lagu ilaalinayo deegaanka. Intaa waxaa dheer, wuxuu soo hadal qaaday barnaamijyada ka socda Soomaaliya ee looga golleeyahay la dagaallanka xaalufka oo soo billowday 2022-kii.