Madaxweyne Xasan oo canbaareeyay qaraxii ka dhacay Turkiga
Ankara October 01, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in isaga iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Turkiga.
Waxa uu carabka ku dhuftay in falalka Argagixisanimo ee noocaan ah lagu bartilmaameedsado kaliya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxa uuna ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta Baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa weerar Argagixiso.
Waxaa ka dhashay dhaawac soo gaaray labo askari oo booliis ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray, waxaana heegan buuxa la galiyay qaar ka mid ah Wasaaradaha Turkiga iyo Baarlamaanka, iyadoo la filayo in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu maanta khudbad u jeediyo shacabka dalkaasi, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.