|

Madaxweyne Xasan oo booqday dhaawicii SYL

Muqdisho March 15, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu daweynayo qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Hotel SYL.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbitaalka kula kulmay mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ay ku waxyeeloobay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah ula kulmay dadka dhaawaca ah, isagoo Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa kadib booqday xarunta Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isagoo halkaasi ka dhageystay warbixino faahfaahsan oo ku saabsan weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL.

Inta la xaqiijiyay 27-qof oo ay ku jiraan Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Saraakiil, Askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Comments are closed