Madaxweyne Xasan oo balanqaaday horumarinta tacliinta
Muqdisho March 09, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta dufcadii 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay ahmiyadda ay dowladdu siisay horumarinta waxbarashada dalka iyo muhiimadda ay u leedahay bixinta cashuuraha horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dadaalladii ay dowladda Soomaaliya ay ku bixisay dib u howlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 2014-ka, wuxuuna caddeeyay in dowladdan ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo xaqiijinta tayada waxbarashada dalka.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay madaxda iyo maamulka sare ee Jaamacadda sida weyn ee ay uga qayb qaateen, taageerada dib u dhiska Jaamacadda iyo maalgashiga jiilka soo socda, isagoo kula dar daarmay ardayda qalin jabisay inay ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda iyagoo ka faa’ideysanaya aqoontooda iyo u adeega bulshadooda.
Ardayda maanta qalin jebisay ayaa tiradoodu ahayd 1535 arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.