Madaxweyne Wasiirka Arrimaha Dibeddu ma Shaqaale Aqalkaaga ka shaqeeyaa mise waa Masuul Qaran?
London Feb 14,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa mar uu dhawaan London kula kulamy qeyb ka mida Jaaliyada Somaliland ee UK waxa uu si shakhsiya u difaacay wasiirka wasaarada arrimaha Dibedda ee Somaliland oo dhaliil loo soo jeediyay.
Madaxweynaha ayaan maraba difaaciisa wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ku darin wax qabdkiisa iyo xil gudashadiisa,ee uu sheegay in uu ku kalsoon yahay oo uu ebidkii wasiir ahaanayo.
Sideebey taasi suurtogal ku noqoneysaa,sowse kama dhigna “ceynaankahay oo weligaa hay”.
Madaxweynuhu miyuu iloobay in xilka loo igmaday mudo shan sanadoda,mise qorsheyaal aynu ogeyn baajira?
Madaxweynuhu ma waxa uu difaacayay masuul qaran mise ruux ka mida shaqaalaha aqalkiisa kolka uu cadhada ku difaacayo,khaladkana isku garab taagayo?
Madaxweyne wasiirka arrimaha dibeddu waa masuul qarane halala xisaabtamo hana la dhaliilo,adiguna waad soo xulatay uunee adigu maad abuurin,wax ka sheegiisu adiga kuuma gaar aha.
Hadii xukuumad ama umadd laga waayo dhaliil waxa ay ka dhigan tahay isa sixid la’aan.
Xukuumaduna waxa ay haatan ku caan baxday ruuxba ruuxa uu ka guul wadeysan yahay in uu madaxweynaha uga dhaw yahay ka wax tusaaleeya.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com