Madaxweyne Uhuru Kenyata Oo Gacantiisa Ku Gubay In kabadan 15-tone Oo Fool Maroodi ah
Nairobi:March,05,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Uhururaha waddanka Kenya, ayaa gacantiisa ku gubay ugu yara 15-tone oo kamid ahaa foolasha maroodiga, kuwaas oo si hoose loosoo qabtay.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya waxaa uu sheegay inay xaaraan tahay in la dhoofiyo ilkaha waxaana uu sheegay in ujeedka ay u gubeen ilkahan ay tahay inay ku quusiyaan dadka maroodiyaasha ugaadhsada.
M/weyne Kenyatta waxaa uu sheegay in sharciga Kenya ee xaraantinimaynayo in ilkaha maroodiyaasha laga ganacsado oo ay ku qaadi doonaan cid kasta oo lagu qabto iyagoo wata sida uu sheegay.
Inta badan wadamada Africa ayaa aad looga ugaadhsadaa ilkaha maroodiyaasha maadaama marka dibbadda loo dhoofinayo inta badan laga helo.
“Ilkahan tirada badan ee aad arkaysaan maroodiyaal qurux badan ayaa lahaa oo ay gawraceen kuwa manaxayaal ah kuwa sidan yeelay waxaan ku tilmaamaynaa dambiilayaal aan wax cisi ah laheyn” sidaas waxaa yidhi Uhuru Kenyatta.
Hay’ad magaceeda la yidhaahdo bad baadi maroodiga ah oo fadhigeedu yahay magaalada London ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay sanadihii 2010 illaa 2012 Africa in lagu dilay qiyaastii 100,000 oo maroodi kadibna ilkaha lagala baxay.
Dawlada Shiinaha ayaa ku dhawaacqday Khamiistii lasoo dhaafay mamnuucday in dalkeeda loo beec geeyo ilkaha maroodiga Africa laga qaaado
Wadamada Africa ugu maroodiga badan oo lagu sheego Tanzania, Cameroon, Gabo iyo dalka jamhuuriyada Africa ayaa haddana waxaa lagu sheegaa inay yihiin wadamada ugu badan ee maroodiga lagu gumaado.
Wiyisha ayaa iyana ah waxa ugu badan marka Africa la joogo la ugaarsado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com