Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Cusub u Magacaabay Siyaasi Hore Uga Galay Godob Siyaasadeed Oo Taariikhi ahayd
Hargeysa:July,01,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi Axmed Aadan Ismaaciil(keyse) ooh ore Godob siyaasadeed oo adag uga galay madaxweynaha xilligii uu macaaridka ahaa.
Axmed Aadan Ismaaciil(keyse)oo hore iskaga casilay xilka Xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Ucid, ayuu madaxweyne Siilaanyo xalay u magacaabay inuu qabto xilka Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada, halka uu Mawliid Maxamuud Ibraahin oo hore u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada uu u bedelay Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha, Tiknooliyada iyo Cilmi Baadhista.
Sidaasi waxa lagu sheegay Warsaxaafaddeed xalay kasoo baxay Madaxtooyada, kaasoo lagu shaaciyey Digreetooyinka lagu magacaabay labada Masuul.
Madaxweynaha ayaa Magacaabista sameeyay saacado yar kaddib markii uu Magacaabay Laba Safiir oo uu midkood uu yahay Wiil Xidid la ah Qoyska Madaxtooyada.
Siyaasiga Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), Waxa uu ahaa Masuulkii Madaxweyne Siilaanyo waddanka ka mamnuucay inuu soo galo sanadkii 2010-kii, wakhti uu Siilaanyo isagoo Mucaarid ah ka soo laabtay Socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka, waxana loo yaqaannaa siyaasiga godobtii ugu adkayd ka galay madaxweyne Siilaanyo intii uu halganka kursiga ku jiray.
Ninka hada uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa wakhtigaas isagoo ah kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibada amar ku bixiyey inaan Siilaanyo soo geli Karin, waxaanu ku eeddeeyey inuu ku kacay arrimo Qaran dumisnimo ah. Inkastoo Axmed Siilaanyo xilligaas Taageero badan ku helay go’aanka loogu diidday inuu dalka soo galo, oo uu jabiyey Wasiirkii Xilligaas ee Khaarajiga Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Sidaasoo ay ahayd, Axmed-keyse markii ay xukuumadii Rayaalle meesha ka baxday waxa uu kamid ahaa Masuuliyiintii Saxaada Siyaasada ka baxay, wuxuuse mar kale ka soo dhex muuqday Xisbiga UCID, saddex sanno ka hor, isagoo ka mid ahaa Taageerayaashii Musharax Jamaal Cali Xuseen kula biiray Xisbiga UCID, kaddib markii uu bur-buray Xisbigii talada wareejiyey ee UDUB.
Kaddib markuu ku biiray Xisbiga UCID, waxa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas, xilkaasoo uu in muddo ah hayay, balse uu iska casilay sanadkii 2014-kii horaantiisii.
SDN/QJ