Madaxweyne Siilaanyo oo Xeer uu soosaaray hay’addaha Korontada Hargeysa iyo Berbera ku hoosgeeyay wasaaradda Hawlaha Guud
Hargeysa 27, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer uu soosaaray hay’addaha Korontada ee Hargeysa iyo Berbera ku hoosgeeyay wasaaradda Hawlaha Guud.
Sida lagu sheegay qoraal uu Madaxweynuhu soosaaray oo afhayeenka Madaxtooyadu ku saxeexnaa, waxa hay’addaha Korontada Hargeysa iyo Berbera laga dhigay wakaalado hoostaga wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, wuxuuna xeerkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay No. JSL/M/XERM/249-1336/092012 ku dhaqan geliyey In laga bilaabo taariikhda maanta oo ay bishu tahay 27/09/2012 laga dhigay Hay’addaha Korontada Berbera iyo Hargeysa Wakaalado hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay; Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay; In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha
horumarineed ee Hay’addaha Korontoda,
Markuu tixgeliyey; Talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan,
Markuu Tixgeliyey; Ahmiyadda weyn ee Hay’addaha korontadu ugu fadhiyaan
dhismaha Qaranka,
Wuxuu soo saaray Xeerkan
In Hay’addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com