|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xeer Madaxweyne Xayiraaddii Kaga Qaaday Wargeyska Hubaal

caloolayHargeysa:19-Aug-2013-(SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Habeenkii xalay soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu xayirraadii kaga qaaday Wargeyska HUBAAL, isla markaana uu cafis ugu fidiyay masuuliyiintii wargeyskaasi oo maxkamadda Gobolka Hargeysa hore xukun xadhig iyo ganaax lacageed iskugu jiray ku riday.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XM/249-1981/082013 uu cafis u fidiyey Wargeyska Hubaal iyo Masuuliyeentii wargeyskaba oo ay Hore maxkamadu u saartay Xayiraad.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:  Qodobka (90)aad, Faqradiisa (5)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka (149)aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Arkay: Xukunka Maxkamadda Gobolka Hargeysa MGH/DDL/598/013 ee 03/07/2013;

Markuu Tix-geliyey: Codsiga Cafiska ah ee ay soo gudbiyeen Guddida Suxufiyiinta Somaliland iyo Xukunsanayaashu;

 Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo Xukunsanayaasha kala ah:

1. Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Hal Sanno oo xadhig Ciqaabeed ah iyo Laba Milyan oo Somaliland Shillings oo ganaax lacageed ah.

2. Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef), oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Laba Sanno oo xadhig ah iyo Laba Milyan oo Somaliland Shillings oo ganaax lacageed ah.

3.  Xayiraadii oo laga qaaday Wargeyska Hubaal.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Comments are closed