Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Faransiiska u fadhiya Nayroobi {DHAGAYSO}
Hargaysa 22.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Faransiiska u fadhiya Magaalada Nairobi isla markaana u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Etiennce De Poncins, oo maanta Booqasho ku yimid Dalka .
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa Sheegay in Safiirka oo ku cusub Somaliland ay Ka Wada Hadleen Mucaawinada uu Faransiisku ku caawiyo Somaliland iyo Arrimo badan oo Wax tar u leh Somaliland Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ambassador Etiennce De Poncins, oo sharaxay Ujeedada Socdaalkiisa iyo Kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siilaanyo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SAFIIRKA22.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com