|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Xarun Casri ah oo loo dhisay Agoomaha DAAWO

Hargaysa 29.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismo balaadhan oo looga dhisay Caruurta agoomaha Somaliland Bariga Caasimadda, isla markaana ay maalgelisay Dawladda Kuweyt.
Xurntan oo ah mid laga bineeyey dhismeyaal aad u qurux badan oo aan dalka hore looga samayn ayaa waxa maanta lagu qabtay xarunta Agoomaha ee Kuwayd dhexdeeda halkaasi oo ay isugu yimaadeen Weftiyo tiro badna oo ka kala socday Dalka Kuwayd, Jabuuti iyo Madaxda Somaliland oo uu hogaaminaayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamed Jirde.
Munaasabadda Madaxweynahu xadhiga kaga jarayey xaruntaasi waxaa kala qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland iyo Madax ka kala socotay wadamada deriska ah.

Comments are closed