Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo loo sameeyay Wasaarada Deegaanka Sawiro iyo Dhagaysi
Hargaysa 22.April 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo wasaarada Deegaanka loo dhisay, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu beeray Geedka horumarinta Deegaanka oo uu Barxada weyn ee Wasaaradda dhex-deeda.
Madashan maanta ayaa ahayd mid ka duwan munaasibadihii hore ee uu madaxweynuhu ka qaybgelijiray, waxaana ugu muhiimsanaa Hadyado ka samaysan Dharkii hidaha iyo Dhaqanka oo ay Madaxweynaha iyo Marwadiisa ay ugu talo galeen dadka reer miyiga ah ee Somaliland una soo wakiisheen Wasiirada Deegaanka, sidoo kale goobtani waxay maanta ahayd mid aan haba yaraatee lagu arag Sharaab, Keek, Buskud, iyo Nacnac toona balse dadku ay ku mashquulsanaayeen soona xasuusteen Hidihii iyo dhaqankeeni soo jireenka ahaa marka loo eego dhanka cuntada ee maanta ku sugnayd halkaasi, waxaana madasha la isku waydaarsanaayey Caano Geel, Muqmad, Hilib Solaya, Malab, Timir, iyo Subag weliba waa inta aan ka xasuusto cuntooyinka soo jireenka ah ee aad moodo in ay beryahan ka sii dabar’goayaan Goobaha la isku arko.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Siilaanyo22.mp3″]
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII MADAXWEYNAHAHargaysa SDN.
Contact@qurbejoog.com