Madaxweyne Siilaanyo Oo Waddada Ceerigaabo Kadib Qaaday Tallaabadii Labaad Ee Uu Ugu Diyaar-garoobayo Ololihiisa Madaxtinimo
Hargeysa:May,22,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Muddooyinkii ugu dambeeyey uu ka dhex guuxayey rabitaanka inuu Kursiga Madaxtinimiada mar kale isu soo taago, ayaa haatan qaaday Talaabadii labaad ee ololihiisa Madaxtinimo.
Madaxweynaha ayaa hore u qaaday tallaabadii koowaad ee lagu xaqiiqsaday inuu musharaxnimada u taagan yahay, Taas oo ahayd Dhagax-dhiggii wadada Ceerigaabo, waxana uu Haatan qaaday Tallaabadii labaad oo Noqotay Magacaabista Degmooyin cusub oo Somaliland yeelato.
Mudane Siilaanyo oo dareemaya in qabyooyin badani ka jiraa Ballamihii is barkanaa ee xilligii uu madaxtinimada u dordayey Qaaday, ayaa Haatan ka fikiraya inuu sameeyo isku dayo soo jiidasho keeni kara, waxana uu ololihiisa haatan marinayaa inuu Shalay magacaabay Laba Degmo loo turjuntay inay olole yihiin.
Goobaha labada degmo loo magacaabay ayaa ah Goobo ay deggen yihiin Beelo si weyn uga soo horjeeda Xukunkiisa, kuwaas oo dareemaya Saluug dhinacyo badan ah, balse u badan xagga mansabyada siyaasadda ee waddanka laga hoggaamiyo.
Madaxweynaha ayaa dareemay inuu Deegaanadaas hagrasho ka galay, isagoo is tusay inuu ku soo jiidan haatan inuu degmooyin cusub siiyo, maadaama uu maanta yahay qofka u baahan inuu cod helo.
Degmooyinka Ceegaag iyo Gudmo-biyo-cas, ayaa ah deegaano dib u dhac weyni ka muuqdo, kana arradan adeegyada bulsho ee xukuumaddu Bixiso, iyadoo inta badan dadka halkaas deggenina madaxweynaha iyo inta Hareera Joogta u xisaabsan yihiin dad ka soo horjeeda xukuumaddiisa.
Tallaabadan uu madaxweyne siilaanyo iyadoo maanta hal sano u hadhsan yahay uu Degmooyinka u magacaabay, ayaa si toos ah u muujinaysa inuu Olole ku jiro, iyadoo la xasuusto in xukuumadii daahir Rayale iyadoo sii ciiraysa ay magacawday Gobollo iyo degmooyin aanu ku faa’iidin wax cod ah.
Daahir Rayaale ayaa xilligaas Magacaabista Degmooyinka iyo Gobolada Cusub uga dan lahaa sidii uu cod ugu kasban lahaa, balse shacabkii waxay noqdeen kuwo aan intaas lagu iibsan Karin oo mabda’ leh, waxana uu tahli waayey inuu wax codad ah ku helo.
Haatan madaxweyne Siilaanyo magacaabistiisan uu ololaha uga jeedo, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Guddoomiye Muuse Biixi u miciyo lisanayo sidii uu u noqon lahaa Musharaxa madaxweyne Ee Xisbiga, balse lama garan karo sida ay u kala bixi doonaan.
Bilaha soo socda ayaa laga filayaa madaxweyne Siilaanyo inuu soo krodhiyo Degmooyin kale oo cusub, maadaama uu Hannaanka lagu kasban karo dad badan oo kasii jeeda u arko inuu degmooyin siiyo.
Degmooyinkii iyo Goboladii cusbaa ee xukuumadii Daahir Rayaale Magacawday ayaan wali wax faa’iido ah oo weyn soo kodhin, marka laga reebo shakhsiyaad xilal kooban ku helay, iyadoo muranka iyo is qabqabsiga degmooyinku buux dhaafiyeen xarumaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maadaama aanu dalku lahayn sharic kala xadaynaya Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somaliasporanews.com