Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Marxuun ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
Hargaysa 27.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil isaga oo ka tacsiyadaynayaa madaxweynuhu geerida ku timid Aabbihii Daahir Dhinbiil Fariid oo ku geeriyooday Magaalada Boorama laguna aasay 26/09/2013.
Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com