Madaxweyne Siilaanyo Oo Socod Dheer Ka Dib Khudbad-sanadeedkiisa Ku Darsanaya Tallaabooyin Ka Dhashay Safarkiisan Oo Libin Lama Dhaafaan ah ula Muuqda
Hargeysa:21-March-2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) oo haatan Safar Toban Maalmood qaatay ku soo Maray Gobollo Kala Duwan oo Dalka ku yaalla, ayaa isu diyaarinaya qabyo culus oo uu dareemayo inuu dhamaystiro, taas oo ah inuu Labada Gole ee Dalka ka Horjeediyo Khudbad-sanadeedkii Dastuuriga ahayd.
Madaxweynaha ayaa Haatan Aaminsan inuu Safarkaasi ka soo Helay Qoddobo badan oo uu Khudbadiisa ku qurxinsan karo, isla markaana uu Sacab badan iyo Soo Dhaweyn kaga Heli doono Labada Gole oo uu dhawaan Hor tegi doono.
Qoddobada uu Haatan Madaxweynuhu Liiska Qudbadiisa ku Darsaday ee uu safarkiisa kala Soo Guryo Noqday, ayaa waxa ugu horreeya inuu Waddadii Ceerigaabo soo Dhagax dhigay, isla-markaana uu Qalabkii oo dhamaystiran Halkaas Geeyey oo Dhismuhuna dhawaan bilaabmi doono.
Qodobadda kale ee Madaxweyne Siilaanyo Hoosta uga Xarriiqan ee safarkiisan uu Uga Faa’iidaysan doono, ayaa waxa kamid ah inuu booqday Deegaanka Laasqoray oo inta Badan Aanay Madaxdii isaga ka horraysay tegi jirin, waxana uu aaminsan yahay inay Tallaabadaasi Tahay mid mudan in Golaha lala Hortago oo lagaga Faano, maadaama xildhibaano iyaga ka mid ah oo Halkaas ka soo Jeedaa aanay Tegi karinba.
Isku soo Wada Duuboo Madaxweyne Siilaanyo oo Haatan qalinka u qaatay qoritaanka iyo Diyaarinta Khudbad-sanadeedkiisii ayaa Maankiisa ay ka Guuxaysaa inuu Sanadkan Haysto Fursado aanu hore u helin oo badan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan inuu Sanadkan Xagga Dhismaha waddooyinka wax badan ka Hirgeliyey, isla-markaana uu Haysto Kalsoonida Mudanayaal badan oo Sanado ka hor ay si weyn iskaga soo Horjeedeen.
Khudbad-sanadeedka madaxweynaha ayaa la Filayaa inuu Toddobaadyada soo Socda Golaha La Hortago, marka uu ka Nasto Safarkii jiidaasha dheer ahaa ee uu shalay uun ka soo Guryo noqday.
S.D.N