|

Madaxweyne Siilaanyo oo si rasmi ah u furay war-lalis cusub oo ay Radio Hargeysa yeelatay

Hargeysa 18, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray warlalis cusub oo ay yeelatay idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa.

War-laliska cusub oo dhererkiisu yahay 100Kwt, waxa maanta loo sameeyay munaasibad lagu furayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Warfaafinta ee caasimadda Hargeysa, taasoo ay masuuliyiin tiro badan iyo hawlwadeenada warfaafintu ka qaybgaleen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Mr. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlay xafladaas, ayaa tilmaamay baahidii loo qabay idaacadan cusub. “Idaacada Radio Hargeysa waxa hore looga dhegaysan jiray magaalada Hargeysa. Maanta idaacadan cusub oo inbadan la naawilayay dhammaan dacaladda dunidda oo dhan way wada gaadhay oo waa laga dhagaystay. Idaacadan oo 100Kwt ah waxaanu mudadii ay tijaabada ku jirtay tijaabinaynay 70Kw illa 80KWt. Markaa maadaama oo ay idaacadu fiday kharashka iyo miisaaniyadduba way korayaan, dad xirfad lehna waa loo baahanayaa,” ayuu yidhi. Agaasimuhu waxa uu sheegay in idaacaddan cusubi ka hadli doonto mowjadda 41 MB.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad) oo isna hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu ka hadlay hirgelinta idaacadda cusub. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/2012-ka waa maalin weyn oo baal dahab ah ka geli doonta sooyaalka taariikheed iyo horumarineed ee Jamhuuriyada Somaliland. Waa maalin aynu ku xasuusanayno madaxweynaheena oo ka dhabeeyay balan-qaadkii uu ku balan qaaday inuu keeni doono idaacad weyn oo caalamka laga dhagaysto, waxayna idaacaddu ka mid ahayd balanqaadkii uu sameeyay Madaxweynuhu xiligii uu ku jiray tartankii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June 2010-kii,” ayuu yidhi Mr. Abiib Timo-cad.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanuo oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta idaacadda cusub ee Radio Hargeysa yeelatay. “Farxad weyn waxa ii ah maanta inaan ka soo qaybgalo furitaanka idaacadda cusub ee Radio Hargeysa oo wada gaadhaya dunida oo dhan, sharaf iyo qiime weyn ayayna inoo tahay qaran ahaan,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Idaacaddu waa ka ugu saamaynta badan ama ugu waxtarka roon ee dawladi wax ku gaadhsiin karto dadkeeda iyo dunida kalena ugaga warami karto waxay qabsatay.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay muhiimada ay qaranka ugu fadhido idaacadda Radio Hargeysa, wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta war-laliska cusub.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed-Cadde, Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe), wasiirka cusub ee Dib-u-dejinta Mr. Saleebaan-Xaglatoosiye iyo masuuliyiin kale oo hadalo ka jeediyay munaasibadaas, waxay ku dheeraadeen muhiimada ay idaacaddan cusubi u leedahay Somaliland guud ahaan.

Waxa xusid mudan, in hirgelinta idaacaddan cusub shan sannadood lagu daray miisaaniyaddihii xukuumaddii Daahir Rayaale, taasoo aan hirgelinin.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed