|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sharraxay Cidda Leh Eedda Dibu Dhaca Doorashooyinka

Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Goor dhaweyd Jeediyey Khhudbaddiisii uu ugu talo galay Munaasibadda 18-ka May oo haatan xuskeedu ka socdo Gebi ahaanba Somaliland.

meoMadaxweynaha oo Khudbad kooban halkaas ka jeediyey ayaa Hadalkiisa diiradda ku saaray Arrimo badan oo ay kamid ahaayeen Dib udhaca Doorashooyinka, Siyaasadda Somalia, xidhiidhka Dawladdiisa iyo Beesha Caalamka iyo Gebi ahaanba Xaaladda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ka Hadlay Arrimiaha Dibu dhaca ku keenay Doorashooyinkii waddanka ka qorshaysnaa, waxana uu tilmaamay in Dib u dhacaas yahay mid masuuliyadeeda la wada leeyahay, Xisbiyada qaranka, Dawladda iyo Golaha Wakiilladaba.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu qiray inuu jirey Hadallo uu hore u yidhi oo sheegayey inaan muddo-xileedkiisa aan hal maalin loogu dari doonin, isla-markaana uu doorashooyinka xilligooda ku qaban doono, waxase uu taas ka daba geeyey in wax kasta oo aad qorshaysataba ay jiraan Duruufo beddeli karaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dibu dhaca doorashooyinku aanay ku imanin rabitaan dhiniciisa ah, isla-markaana uu marwalab jeclaa in dalka doorasho ka qabsoonto.

Khudbadda madaxweynaha oo dhamaystiran goor dhaw filo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed