|

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaqaalaha dawladda, Ciidamada iyo dhinacyo kala duwan ka mamnuucay inay ka dhex muuqdaan siyaasadda

Hargeysa 13, Sept. 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soosaaray degreeto uu ku socodsiiyay dhinacyo kala duwan, taasoo uu ku mamnuucayo dhinacyada aan loo baahnayn inay ku lug yeeshaan ururada/xisbiyada siyaasadda.

Digreetadaas oo uu xalay soosaaray, waxay u dhignayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.

Ku:      Dhammaan Wasaaraddaha JSL

Ku:      Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada

Ku:      Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland

Ku:      Hay’adda Sirdoonka Qaranka

Ku:      Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka

Ku:      Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda

Ku:      Ururada aan Dawliga ahayn

Og:      Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay:                         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay:                         Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka                    Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay:             Qodobka 14aad  ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda

Xeer Lr. 14/2011

 

Markuu arkay:                         Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka

Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001

 

Markuu arkay;                         Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha

Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001

 

Markuu Tixgeliyey:                 Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka

Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.

 

Wuxuu soo Saaray

 

Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa;

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

 

1)      In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

 

2)      In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

 

3)      In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed