|

Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Dufcadii 12aad ee ka baxda Jaamacada Camuud {DAAWO}

Boorama 28.Aug 2013 (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo saaka u socdaalay Boorama si uu uga qayb-galo munaasibad aad u qaali ah oo loo qabtay Ardayda ka qalin jebinaysay Jaamacada Amoud University oo noqonaysa Dufcadii 12aad ee ka baxda Jaamacada Amoud Isla markaana ay Tiradoodu dhamayd 415 arday.

Madaxweynaha oo ardaydii ugu saraysay kuliyada kala duwan ama kaalinta koowaad u galay faculty yadooda Gudoonsiyey Abaalmarintii loogu talo galay, ayaa isna wax la gudoonsiiyey shahaado sharaf aad u qaali ah oo uu u soo diyaariyey Sheekhal beledka Gobolka Awdal  oo madaxweynaha ugu talo galay shahaadadaasi qiimaha badan oo muuqaalkeedu yahay Xaramka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacadda Camuud soo martay tan iyo sanadkii 1998-kii markii la aasaasay Jaamacadaasi oo ahayd tii u horeysay ee Somaliland laga furay markii dalku madax-banaanidiisii kala soo noqday Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu mar walba uga soo qeyb galo xafladaha qalin-jabinta ah, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galkiisu niyad dhis u tahay ardayda qalin jabinaysa.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu tilmaamay in 415-ka arday ee maanta qalin jabiyay ay ka kala aflaxeen toban kuliyadood oo kala duwan oo jaamacadaasi lagu dhigto,kuwaasi oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, ganacsiga, sharciga, beeraha iyo kuwo kaleba.

IMG_0251IMG_0255IMG_0265IMG_0275IMG_0277IMG_0277IMG_0278IMG_0281IMG_0284IMG_0287IMG_0297IMG_0305IMG_0348IMG_0361IMG_0367IMG_0405IMG_0422IMG_0448

Waxa kale oo madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray xafladaasi ka dib Guriga martida ee Magaaladda Boorame oo la dhamaystiray qeybihiisa kala duwan isla markaana la qalabeeyay.

IMG_0455IMG_0476IMG_0479

Boorama SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed