Madaxweyne Siilaanyo oo shacabka ku hambalyeeyay sannad-guurada 52aad ee markii Somaliland Xorriyada ka qaadatay Britain
Hargeysa 25, June 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacabka ku hambalyeeyay sannad-guurada 52aad ee markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay Briatin 1960.
Xuskan 52aad oo ku beegan caawa saacadu markay 12:00 markii la saaray calanka Somaliland, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo tilmaamay qiimaha ay maalintani leedahay, wuxuuna dhambaal hambalyo ah oo Afhayeenkiisu soosaaray u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.
Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com