Madaxweyne Siilaanyo oo Saaka ku Jarmaaday Gobolada Galbeedka Somaliland
Boorama 11.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Saaka Socdaal ugu Kicitimay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama,Isagoo Xadhiga ka Jaray Jidka isku xidha Magaalooyinka Dilla iyo Boorama oo dhamaaday kaas oo ay sameeyeen Hay’ada Horumarinta Wadooyinka ee Gobolada awdal iyo Salal ee ASARDA oo Kaashanaysa Xukuumada Somaliland .
Madaxwaynaha waxaa Safarkiisan ku Wehelinaya Koox ka Tirsan Golihiisa Wasiirada iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Maareeyaha hay’adda Waddooyinka Somaliland.
Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu mashaariicda uu furayo iyo kuwo uu dhagax dhigayo ka dib uu kulan la yeesho Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Awdal, iyada oo ay jiraan tabashooyin dhawaan ka soo yeedhayey Madax-dhaqameedka gobolkaasi qaarkood, kuwaasi oo ka soo horjeedsaday qoxooti la sheegay in laga soo rarayo Jabuuti, oo ka keenayo deegaanka Lughaya
Boorama SDN.
Qurbejoog.com