Madaxweyne Siilaanyo oo Saacado Kooban kadib ka soo Huleelay Boorama Xili aanu Xalin Tabashada Shaqaalaha Caafimaadka Cisbitaalka Boorama oo 8 Bilood aan Wax Mushahar ah arag
Boorama 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Isla Xalayba ku soo laabtay Caasimada hargaysa kadib markii uu Magaalada Boorama kaga qayb galay Qalin jebinta Dufcadii 13 aad ee ka baxda Jaamacada Camuud iska markaana uu Xadhiga ka jaray Mashaariic ay dawlada hoose ee Magaaladaasi Hirgalisay.
Geesta kale Shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Boorama ayaa ka cabanaya mushahar la’aan, kadib markii hay’adda Copy ee gacanta ku haysay Isbitaalka ay isaga baxday degmada.
Xubno ka mid ah howlwadeennada wasaaradda caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka Boorama, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in muddo siddeed bilood ah aysan helin wax mushahar ah.
Waxay sheegeen in cabashadooda ay u gudbiyeen madaxweynaha iyo wasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland, ayna ka helin wax jawaab ah.
Howlwadeennada ayaa sheegay in ay doonayaan in mas’uuluiyiinta maamulka Somaliland ay bixiyaan xuquuqdii ay lahayeen shaqaalaha caafimaadka ee Boorama, si loo sii wado howlaha caafimaad ee Isbitaalka.
Hay’adda Copy ee dalka Talyaaniga oo gacanta ku haysay Isbitalka guud ee magaalada Boorama ayaa muddo 8 bil ka hor joojisay gabi ahaanba howlihii ay ka haysay isbitaalka.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu Shalay ku tegay magaalada Boorama, ayaa ku soo beegmay maalmo kacdoonno siyaasadeed iyo cabasho wax-tabasho oo is-daba-joog ahi ka soo yeedhayeen dadweynaha ku dhaqan magaalada gobolka Awdal, gaar ahaan Xarunta Boorama.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaanu Weftigiisa ku wehelin Wasiirkiisa Caafimadka Dr Saleebaan Xaglo Toosiye oo isagu kormeer ku marayay Deegaano ka tirsan Gobolka Saaxil.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com