|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qado-sharaf Kaga Fal-celiyey Tanaasulkii Muuse Biixi Laga keenay

Hargeysa:June,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa ka falceliyey Tanaasulkii dhinaca Musharraxnimada ee uu muuse Biixi ku dhawaaqay inuu uga Hadhay.

borqFal-celinta Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka bilaabantay Qado-sharaf uu Maalintii shalay Qasrigga Madaxtooyada ugu sameeyey Guddomiye Muuse Biixi iyo Xubnihii Ganacsatada Biishiisa ah ee ku qanciyey inuu musharraxnimada ka Hadho, waxana lagu wada sheekaystay Qarsiga Madaxtooyada.

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ayaa la iskgu geeyey xarunta Dalka laga maamulo, waxana Halkaas ka dhacday is-beer-xaadhasho Ballaadhan iyo wada-sheekaysi la iskugu muujiyey in Hadda wixii ka dambeeya si wada Jir ah loo wada shaqayn doono oo la dhaafo wixii khilaaf ah ee hore u jiri jirey.

Kulankan oo uu Madaxweyne Siilaanyo Masuuliyadiisa lahaa, isla-markaana uu ugu talo galay inuu kaga mahadnaqo shaqadii Ganacsatadu sameeyeen taas oo ay Muuse Biixi kaga dhaadhiciyeen inuu ka hadho Rabitaankiisa uu ku doonayo Musharraxnimada Madaxweynenimo ee Somaliland dhawaan lagu qaban doono.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horrayn qado-sharaftan ka Hadlay, ayaa Hadalkiisa sidan ku Bilaaby,  “Waxaa farxad weyn maanta ii ah inaynu halka kan mahad-naq ballaadhan isugu nimi, innaga oo hawlihii dhex-yaallay Xisbigeenna xallinnay. Waxaan jecelahay inaan mahad-naq ballaadhan u jeediyo Odayaashii Sharafta lahaa ee doorka weyn ka qaatay xallinta khilaafkaas iyo isu-keenka ummadda, aad iyo aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay is-qabashadu caadi tahay, balse ay muhiim tahay in Qaranku lahaado qayb gurmata oo xal keenta, waxaanu yidhi; “Qaran baynu nahay ku jira halgan, Qaran baynu nahay hawl fara-badan ummadda iyo dunidu ka sugayso, waana wax caadi ah in ama la is-qabto ama wax la isugu yimaaddo. Laakiin, waa inaynu lahaanno Qarankeenno qayb gurmata, qayb wax lallila waa inaynu lahaanno, dad wax isu keena waa inaynu lahaanno, si aynu dhibaatooyinka innagu yimaadda aynu marba uga gudubno. Illaahay mahaddii maanta Odayaashaa sharafta leh ayaynu haysannaa ee qiimaha iyo qaayaha leh, aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa, kulligiinna aad baan idiin soo dhawaynayaa.”

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday farxad iyo rayn rayn labada dhinac dareemeen, waxana Haatan wixii ka dambeeya ay ku ballan qaadeen inay si wada jir ah u wada shaqayn doonaan Mustaqbalka.

Xubnaha Ganacsatada ah ee ay isku beesha yihiin Muuse Biixi ayaa ku guulaystay inay Guddoomiyaha ku qanciyaan tanaasulkiisii  uu kaga  hadhay musharraxnimada xisbiga, waxana ay taasi keentay inay saaxiibo dhaw la noqdaan Madaxweyne Siilaanyo oo ah ninka looga hadhay Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed