Madaxweyne Siilaanyo Oo Mujaahid Xamarji U Qoondeeyey Kamid Noqoshada Komishanka Qaranka Oo Dhawaan La Shaacin Doono
Hargeysa:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (siilaanyo), ayaa la sheegayaa inuu dhawaan xubin-nimada Guddida Doorashooyinka qaranka kusoo dari doono Guddoomiyihii Hore ee Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji.
Wararka ay qurbejoog.com, Helayso, ayaa sheegaya in Mudane Xamarji ooh ore iskaga casilay Xilkii Guddoomiye-nimada Gobolka Togdheer uu madaxweynuhu usoo bandhigay Kamid ahaanshaha Guddida Doorashooyinka oo la filayo in dhawaan lasoo dhiso.
Sida ay sheegayaan wararku waxa Doorashada uu madaxweynuhu ku garwaaqsaday inuu Xamarji ku daro guddida Doorashooyinka, ay salka ku Hayso Cabashooyin isasoo tarayey oo Beesha uu Kasoo jeedaa ka sheeganayaan Maamulka Madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu uga dan leeyahay inuu Xaalmarin u siiyo.
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo, ayaa kalsooni badan ku qaba Xamarji o ay muddo badan saxiib siyaasadda kusoo ahaayeen, waxana uu bidayaa inuu daacadnimo u muujin doono xilliyada ay doorashadu soo dhawaato ee Natiijooyinka doorashooyinku galaan Gacmaha Guddidan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolada Togdheer iyo M/jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji, ayaa muddo badan haatan aan wax camal ah ka haynin xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu dhibaatooyin badan uu Gobolka Togdheer kala kulmay kadib Go’aansaday inuu Xilkaas iska casilo.
Sida xaqiiqada ah waxa muddadii uu xamarji ka maqnaa Giraanta siyaasadeed ee uu shookaanta u hayo madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixayey cabashooyin uu Beesha uu kasoo jeedaa ka sheeganaysay Saami-qaybsiga Xukuumadda, waxana la Arkayey isagoo Bixinaya kharashaadka Shirar cabashooyin ah oo Odayaasha Beeshiisu sheeganayeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu Madaxweynuhu doonayo inuu Xamarji Haddii uu Kagudbo Golaha Wakiillada sidii uu Guddoomiye ugu noqon lahaa Xubnaha Guddida Doorashooyinka qaranka oo dhawaan la filayo in la dhiso.
Ma aha Xamarji oo kali ah Cidda Guclaha ugu jirta kamid Noqoshada Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxana Maalmahan La Arkayey Xubno uu ugu horreeyo Maxamed Cabdilaahi Qabo oo U Harraadan sidii ay Xubnahaas uga Mid Noqon lahaayeen.
Kamid Noqoshada Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa ah Meesha ay higsanayaan Xubnaha xil-ku-noosha ah ee Mucaaridka iyo muxaafidkaba iskugu jira, waxana Halkaas lagu tuhmaa Shaqo ugu yaraan Muddo shan ah si joogto ah u socon doonta oo waliba laga heli karo lacago badan oo laga dhaxlo, waxana ay taasi keentay dad badan heensaha u soo xidhaan sidii ay Xeedhada gacanta u gelin lahaayeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com