Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safarkiisii 20-aad Ku Tegi Doona Britain Intii uu Xilka Hayey
Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu(siilaanyo) iyo Wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay maanta saacadaha soo socdo safar ugu amba baxaan dalka Britain oo uu ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Ganacsiga somaliland.
Shirkan ayaa la sheegayaa inay kasoo qaybgeli doonaan Ganacsato caalami ah iyo waliba qaar kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo loo bandhigi doono Fursadaha ganacsi eek a jira Somaliland.
Britain ayaa ah dalka uu Madaxweyne Siilaanyo ku tegay safarradiisii ugu badnaa intii xilka Madaxtinimo loo igmaday, waxana tiraba uu Halkaas Tegay 20-goor, isagoo Haysta Dhalashada dalkaasi.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa socdaalkiisan ku wehelinaya sida aanu wararka ku hayno xubno Golihiisa wasiirrada katirsan oo ay kamid yihiin, Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo isagu maanta dalka uga dhoofay dhinaca dalka Itoobiya,Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo waliba Marwadiisa Aamina Maxamuud Jirde(Aamina-Waris),waxaana la sheegay in uu xubnaha Shirkan kala qeyb galaya Madaxweyne Siilaanyo qeyb ka yahey Wasiirkiisa Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu ku sugan Wadanka Imaaraadka, halkaana ka tagi doona London.
Madaxweynaha Somaliland ayaa safarkiisan uu dalka Britain ku tegayaa yahay midkii labaatanaad, waxana aan la haynin natiijooyin badan oo kasoo baxay socdaaladaas, kuwaas oo dad badani is weydiinayaan safaraddan badan iyo natiijo xumada ka dhalata marka dambe.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa laga sugayaa inuu saxaafadda kula Hadlo Qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa, waxana uu faahfaahin ka Bixin doonaa ujeeddada socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu kala hadli doono cidda shirarkaas ay isku arki doonaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com