|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Ka Qaybgeli Doona Qalanjabinta Ardayda Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa:Sep,29,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka qaybgalo munaasibadda loo samayn doono ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadda Hargeysa.

????????Munaasibaddan oo lagu waddo in maanta lagu qabto xarunta Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa sidoo kale madaxweynaha ku wehelin doono raxanta ugu badan Golihiisa Wasiirrada, Xubno Baarlamaanka iyo Guurtida ka tirsan, cuqaal iyo waxgarad kale oo reer Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ahaado shakhsiyaga shahaadooyinka Guddoonsiin doona Ardaydaas, waxana uu sidoo kale Halkas ka jeedin doonaa Hadalo la xidhiidha qalinbajinta ardayda.

Ilaa iyo Haatan lama Hubo innay hoggaanka mucaaridka Somaliland ka qaybgeli doonaan Qalinjabintaas iyo inkale, waxase wararku yahay in Haddii ay ka qaybgalaaanba la siin doono Kelmaddii ay ku lahaayeen Munaasibadaha noocan oo kale ah, sidii dhacday dhamaanba Xafladihii sanadkan loo qabtay Ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda Camud iyo jaamacadaha kale ee Gaarka loo leeyahay oo aan marnaba wax hadal ah la siinin qolayaha Mucaaridka ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale aan laga filaynin wax siyaasad ah oo dhaafsiisan inay aradaydu qalinjabiyeen oo ay xukuumaddiisu u hayso ardaydaas, waxana sidii caadadu u ahayd laga filayaa inuu kaliya Hambaylyeyn doono.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna lagu wadaa inay halkaas ka jeedin doonto khudban dheer oo daaran heerarkii kala duwanaa ee ay waxbarashada Somaliland soo martay, waxana intaas kadib sida laga warqabo shahaadooyinka lasiin doonaa Arday tiradoodu gaadhayso ilaa iyo Dhawr boqol oo Arday oo qalinjabinaysa.

Somaliland sanad kasta waxa qalinjabiya Kumanaan arday, kuwaas oo aan loo haynin  wax qorshe mustaqbalkooda lagu hagayo ah, waxana intooda badani camal la’aan ay marka dambe iskugu tuuraan Badaha  Afrika ku xeeran, halkaas oo ay ku waayaan mustaqbalkoodii usoo ifayey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed