|

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan la qaatay Qaybo ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka ( DAAWO)

Hargaysa 14.May (SDN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta arday ka kala socday illaa shan jaamacadood oo ku yaala magaaladda Hargeysa.

Kulankaasi oo ahaa mid xog waraysi ah oo ay ardaydu la yeelatay madaxweynaha iyo xubno ka mida xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dhalinyarada cayaaraha iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo masuuliyiin badan oo kale.

Waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyeyaasha Jaaamcadaha iyo Ardayda Jaamacadaha kala duwan oo ay u hadlayeen Jaamacadaha Hargeysa, Admas University, Golis University, Alfa University iyo New Generation.

Sidoo kale waxa halkaasi Hadal aad u qiimo badan oo dheer ka soo jeedisay Niciima Cabdiraxmaan Galeexi oo ah Gudidii Jaamadaha kala duwan madaxweynahana gudoonsiisay Shahaado Sharaf ay Ardaydu ugu tallo gashay Madaxwaynaha.

Bilo ka hor ayuu Madaxweynaha Somaliland kulan la yeeshay ardayda dugsiyadda sare ee Hargeysa, waxaanay labadan kulan qeyb ka tahay in tallooyinka laga urursado ardayda jaamacadaha iyo maamuladooda.

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed