|

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Casho-sharafeed ah ku qaabilay Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi ee Somaliland

Hargaysa 28, Dec.2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa waxa uu caawa kulan kula yeeshay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee shahaadooyinkooda xisbino ee jiritaankooda toban sannadood ee soo socda sida rasmiga ah loo gudoonsiiyay Arbacaddii doraad.

Kulankan oo ahaa martiqaad casho-sharaf ah, waxa ka qaybgalay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), kuwaasoo ay dhinacooda weheliyeen Xoghayeyaasha guud ee saddexda xisbi iyo masuuliyiin kale oo xisbiyadaas ka tirsan.

Ujeedada kulanku waxay salka ku haysay in Madaxweynuhu ugu hambalyeeyo guushii ay gaadheen saddexda Xisbi ee dalku yeeshay muddada toban sannadood ee soo socda, isla markaana kaga soo gudbeen marxaladii doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoontay Somaliland. Waxa uu Madaxweynuhu ku amaanay hoggaanka Xisbiyada Kulmiye,Wadani iyo UCID dedaalkii ay la yimaadeen, waxaanu ka dalbaday sidii ay Xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen wax kasta oo taabanaya danaha qaranka.

Markii uu dhamaaday Kulanka martiqaadka ah ee Madaxweynuhu u fidiyay hoggaanka saddexda Xisbi Qaran, waxa munaasibaddaas hadalo kooban ka jeediyay guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani C.raxmaan Maxamed C.laahi (Ciro),UCID Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanay iska daba mareen Mahadnaq ay u jeediyeen Madaxweynaha ee Martiqaadka u fidiyay, iyagoo sheegay inay Xukuumadda ku garab joogi doonaan wax kasta oo taabanaya Qaranimada Somaliland .

Kulankan Waxa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed