Madaxweyne Siilaanyo oo ku Soo laabtay Goor dhawayd Caasimada Hargaysa iyo Mashaariic uu xadhiga ka soo Jaray iyo kuwo uu dhagax dhigay
Hargaysa 01.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku Guda jira maalintii labaad ee socdaal uu ku marayo Gobolka Gabilay, ayaa maanta gaadhay degmada Allaybaday ee Gobolkaasi,Ka dib markii uu Xarunta Gobolkaas ka furay Mashaariic horumarineed oo laga hir geliyey, Kuwa kalena dhagax-dhigay.
Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mud,Axmed Maxamed Maxamuud ayaa xadhiga ka jaray laba waddo oo dawladda Hoose ee Gabilay ka hir-gelisay magaaladaas,isaga oo geesta kalena dhagax-dhigay xarun ballaadhan oo dawladda Hoose ku shaqayn doonto oo laga hir-gelinayo magaalada Gabilay.
Waxa kale oo Magaalada Gabilay Madaxweynuhu xadhiga ka jaray maanta Gaadiid ay soo iibsatay dawladda Hoose ee magaalada Gabilay,kuwaas oo isugu jira Cagaf-cagafyo iyo Dab-damisyo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa si weyn loogu soo dhoweeyey Degmada Alay-baday iyo degaamada la xidhiidha,halkaas oo ay ku qaabileen madaxda, wax-garadka iyo dadweyne tiro badan.
Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay wado isku xidhaysa Allay baday iyo Hargaysa waxaanu Warbixin ka dhagaystay Maamulka Iyo Waxgaradka Degmadaas oo ka dalbaday in Madaxweynuhu inuu gacan ka siiyo horumarinta degmadaas.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa dhankiisa ka sheegay in Xukuumadiisu aanay waxba kala hagran doonin intii awoodeeda ah wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee degmadaasi u jeelan tahay.
Sidoo kale Wasiirada Wasaarada Madaxtooyada iyo Beeraha ayaa balanqaaday inay wasaaradahoodu Xafiisyo ka furan doonaan degmada Allay Baday iyagoo ka mahadceliyay sida diiran ee ay Weftiga Madaxweynaha u soo dhaweeyeen.
Weftigu waxaa hadhimo sharafeed loogu sameeyay degmada allay baday waxaanay markaas kadib waxay Gaadheen Magaalada Wajaale oo si Mug leh loogu soo dhaweeyay ,Weftiga Madaxweynaha ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargaysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com