Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dawakhsan Go’aankii Uu ka Qaadan lahaa Burburka Xisbigiisa, Muddadii Shirweynaha oo Saddex Toddobaad ka Hadheen iyo Muranka Labada Dhinac Oo Madaxweynaha Hunguri Geliyey
Hargeysa:30-Nov-2013(SDN)-Muddo aan Ka Badnayn Saddex Toddobaad, ayaa Haatan ka Hadhsan Xilligii Loo Ballansanaa in La qabto Shirweynaha Loogu Hadal haynta Badan yahay Somaliland ee uu Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye yeelan doono.
Illaa iyo Hadda waxa Xisbiga Dhexdiisa ka taagan Muran iyo Is qabqabsi Ba’an, kaas oo la xidhiidha Hab-sami-u-socodka Abaabulka shirweynaha haatan kaabiga soo Saaray xilli xisbigu tafaraaruq galay.
Kala jabka xisbiga ayaa mar kale soo laba-kacleeyey ka dib markii uu Guddoomiye Saleebaan Gaal Ra’yi uu ka soo qaaday Garabka Mar hore la shiiqiyey ee Wasiir Samaale uu ula tegay Guddoomiye Muuse, kaas oo aad uga cadhooday Qoddobo ku jirey Soo jeedimahaas oo aanu jeclaysan.
Guddoomiye Muuse ayaa isagu Waddanka ka baxay xilli ay cadho badani ka muuqatay, waxana uu markii uu waddanka ka baxayey afka ka xidhay inuu wax hadal ah ka yidhaahdo arrimaha murugsan ee xisbigiisa oo haatan inta badan isaga loo sibir saarayo.
Madaxweyne Siilaanyo oo ah Xubinta Mus-dambeedka Xisbiga, isla-markaan isagu leh Go’aanka kama Dambaysta ah ee Xisbiga, ayaa ayaamahanba khaati ka taagnaa kala fogaanta iyo Tafaraaruqa xisbiga dhexdiisa ka jira xilli muddadii shirku aad u soo dhawaatay.
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo oo aad u jecel in shirku ku qabsoomo wada jir xisbiga Dhexdiisa ah, ayaa shirar kala duwan oo qarsoodi ah muddooyinkii ugu dambeeyey la lahaa xubno badan oo ka tirsan Garabyada Xisbiga, waxana uu si gaar ah culays u saaray Garabka haatan soo laba kacleeyey ee uu Wasiir Samaale hoggaaminayo, waxana uu ku adkeeyey inay wax badan ka tanaasulaan, maadaama uu Guddoomiye Muuse xaq u leeyahay in wax badan looga Tanaasulo.
Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye oo ah Shirka Larabo in uu Kusoo Baxo Hogaamiyaha Mustaqbalka ee Xisbiga kulmiye, ayaa Waxa kadhiman Mudo Kooban oo Sadex Wiig oo kaliya ah iyada oo aan ilaa Hada laysla Meel DHigin Musharaxa Xisiga kulmiye iyo Kuxigeenkiisa Toona Kadib Markii Khilaafaad Loo Caalwayay Lagu Go,aansaday in Xaalada Xisbiga Kulmiye Lala Sugo Inta uu SHirka Xisbigu Qabsoomayo.
Madaxweynaha ayaan wali gaadhin wax Go’aan ah oo xisbiga Hawlihiisa la iskugu dubo ridayo, waxana uu wali tahli kari la’yahay inuu turxaan Bixiyo arrimaha Xisbiga si loo qaadaadhigo Ajandayaasha lala Tegayo shirweynaha, isla-markaana meesha looga saaro warwarka iyo kala fogaanshaha xisbiga talada Haya ku soo foolka leh.
Madaxwayne Siilaanyo oo haatan ku mashquulsan Turxaan Bixinta Xisbigiisa, ayaa La Filayaa inuu Toddobaadyada soo socda soo saaro Go’aan lagu hagi doono shirweynaynaha xisbigiisa, kaas oo aan la garan Karin waxa uu Noqon doono iyo labada Garab midka uu Taageeri doono.
Sidoo kale waxa Madaxweyne Siilaanyo haatan ka Baaraan Degayaa Hannaanka ay u ekaan Doonaan Go’aamada uu ka qaadan doono arrimaha Xisbiga iyo Saamaynta ay ku yeelan doonaan dhinacyada is haya, maadaama uu hore labada dhinac uga waayey wax ixtiraam ah iyo tanaasulba.
Shirkan oo sida lagu wado ah midkii lagu Go’aamin lahaa Guddoonka Xisbiga iyo Waliba musharaxiinta Xisbiga uga qaybgeli doono Doorashooyinka Sannadka 2013-ka, ayaa jaahwareer badan iyo kala jab ka dhex dhaliyey taageerayaasha xisbiga, waxana haatan jira Dareen ah in Hantaaqo siyaasadeed oo ballaadhani ku soo socoto Xisbiga Kumiye.
Go’aanka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dib ugu dhigay soo laabashada Muuse Biixi oo haatan ku maqan waddanka Ethiopia, waxana la filayaa inay labadoodu wada qaataan shir hoose ka dibna uu madaxweynuhu qaadan doono Go’aan isagu uu u arko mid xisbiga lagu Badbaadin doono ciddii uu doonaba yaanu raalli gelinine.
Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo murankan haatan jiraa uu ku dhiirrigeliyey inuu Hungureeyo Musharaxnimada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga, haddana waxa jira Warar kale oo sheegaya in Ehelkiisa dhawi ka diideen inuu mar kale Hoggaanka Dalka ku soo laabto, maadaama ay u arkaan in madaxweynuhu u baahan yahay inuu Nasasho galo.
Si kastaba ha ahaatee Go’aanka uu madaxweyne ka qaato arrimaha Cakiran ee Xisbigiisa, ayaa saldhig u noqon doona Mustaqbalka dambe ee xisbiga iyo waliba soo jiidashada taageerayaal ku kala aragti duwan cidda haatan hungurigu kaga jiro inay caynaanka u qabato Xisbiga talada Haya ee Kulmiye.
S.D.N