Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay aaska Alle ha u naxariistee Marxuun Aadan Tarabi Oogle
Hargaysa 22.Jan (SDN)
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle ,
Waxaa kale oo aaskan ka qayb galay Shirgudoonada Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida,Xildhibaanada labada aqal,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Siyaasiyiin, Aqoon yahano,Madax dhaqameed,Culimaa-udiin iyo dadweyne tira badan dhamaanba Madaxdii aaska ka hadashay ayaa
ku dheeraaday Taariikhda Marxuunka,iyo Doorkii uu ka soo qaatay
Halgankii Dibu xoraynta Wadanka,dib u dhiskii,iyo horumarka ay Somaliland Gaadhay,Waxaanay eebe uga baryeen inuu Marxuunka Naxariistiisa Jano ugu deeqo
Hargaysa SDN.