|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Horumarka Ciidanka Qaranku Ka Sameeyeen Gobolada Bariga Somaliland

Hargeysa:June,16,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Tallaabadii ciidanka qaranku dhawaan kula wareegeen Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.

silaanyoMadaxweynaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Soo Gelitaaka Taleex ee Gacanta Somaliland, isagoo xusay inay Tahay Guul ciidanku gaadhay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay ilaalin doonaan xuduudaha isla-markaana ay taageeri doonaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaas ku sheegay Hadal kooban oo uu soo dhigay Boggiisa uu ku leeyahay Barta Bulshadu ku xidhiidho ee Twtitter-ka, kaas oo u dhignaa sidatan.:

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya.”ayuu yidhi.

Kuma uu xusin madaxweyne Siilaanyo Qoraalka uu Boggiisa soo dhigay sida ay ula muuqato Jawaabta ay waddamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub sida wada jirka ah uga soo horjeesteen Horumarka ciidanka qaranku sameeyeen, waxase uu  si duur-xul ah u tilmaamay in ciidanku sugayaan xuduuddooda.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

 Contact@somalidasporanews.com

Comments are closed