|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hargeysa Ku Noqday una Diyaargaroobaya Xadhig-ka-jarista Shirweynaha Kulmiye

Hargeysa:April,27,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland oo labadii maalmood ee ugu dambaysay ku sugnaa Magaalada Bebera, ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

 

soosiiMadaxweynaha oo aan la shaacin sababta uu u tegay Berbera oo kaliya lagu sheegayo arrimo shakhsi oo gaar u ah, ayaa Sallaadii Jimcaha iyo middii Roob-doonta la Tukaday shacabka Reer Berbera, waxana uu nasasho kooban ku qaatay Magaalada oo aanu meel kale u sii dhaafin.

Galabnimadii shalay ayuu Madaxweynuhu Ku soo laabtay Magaalada Hargeysa si uu shaqadii qaranka u sii wado maadaama uu Saddex maalmood dibadda ka ahaa Aqalka looga taliyo dalka.

Waxa lagu wadaa inuu madaxweyne Siilaanyo isku diyaarinayo sidii uu u furi lahaa Shirweynaha Kulmiye oo lagu wado inuu maalinta Berri ah ka furmo Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisan Gaaban ay ku wehelinayaan Marwadiisa iyo xubno kooban oo qoyskiisa u badani, ayaanay shacabku fahmin ujeeddadiisa rasmiga ah ee uu Berbera u tegay, iyadoo la filayey inuu hore u dhaafayey.

May dhicin inuu madaxweyne Siilaanyo Gaadho Meel ka baxsan Berbera, waxase uu muddo saddex cisho ah ku qaatay madaxweynuhu magaalada Dhexdeeda.

Shirweynaha oo maalinta Berri ah Furmaya ayaa la qorsheeyey inuu madaxweynuhu si rasmi ah u furo, maadaama uu yahay Odaygii xisbiga Kulmiye iyo Aasaasihiisiiba.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la Tuhunsan yahay inuu yahay Musharaxa Madaxweyne Ee Shana sano ee soo Socota, maadaama Kooxdii Xisbiga kulmiye Kurka ka soo taagaysay lagu qanciyey inay ku ekaadaan Xilalka ay xisbiga ka hayaan oo laga reebay dadkii kula Tartamayey marka laga Reebo Xasan Gaafaadhi oo isagu si cad u sheegay inuu yahay Musharaxa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga.

SDN/QJ\Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed