Madaxweyne Siilaanyo oo Hambalyo u diray Shucuubta iyo Dawlada Itoobiya Xuska 22 Guurada Madaxbanaanidooda
Hargaysa 27.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa caawa ku hambalyeeyay Shacabka iyo Xukuumada Itoobiya Sannad Guurada 22aad ee ka soo Wareegtay markii ay iska Tuureen Heeryadii Rajiimkii Mingiste Xayle Maryam.
Qoraalka Madaxweynaha ayaa u dhignaa Sidan :-Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaaya afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka aynu wallaaha iyo Jaarkaba nahay ee Ethiopia iyo Shacbi weynaha Dalkaasi, isaga oo Madaxweynuhu ku Hambalyeynayaaya sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga Ethiopia ka guulaysteen Rajiimkii militeriga ahaa ee xiligaasi xukumaayey Dalka Ethiopia oo ku beegan 28/05/2013.
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Ethiopia Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa Shacbiga iyo Dawladaba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Ethiopia oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com