Madaxweyne Siilaanyo Oo Ganacsade Kale Oo Beeshiisa ah Siiyey Aqal Dawladdu Leedahay Iyo Shacabka Oo Si Weyn U Hadal Hayo
Hargysa:Nov,06,2014(SDN/QJ)-Gudaha somaliland, waxa Maalmahan aad looga Hadal hayaa hanti iyo dhul dawladdu leedahay oo dadkii degenaa laga rarayo, halka qaar kalena la siinayo shakhsiyaad ay xukuumaddu si hoose iskugu xidhan yihiin.
Hadal-haynta ugu badan ayaa ah in xukuumadda oo sanadkeedii ugu dambeeyey ku jirtaa, ay bilowday Boobka hantida danta guud ah oo ku yaalla Goobo muhiim ah, waxana imika si joogto ah usoo baxaya wareegtooyin uu madaxweynuhu saxeexay, kuwaas loo gacan gelinayo dad si hoose madaxtooyada ugu xidhan.
Ilaa iyo shalay ayaa waxa la ogaaday inuu Madaxweyne Siilaanyo Dhul dawladdu lahayd ku wareejiyey ganacsade dalka caan ka ah oo isku beel yihiin, kaas oo lagu magacaabo Kayse Cabdi shaybe, waxana uu bilaabay dhismaha Dhulkaas lagu wareejiyey oo shacabku si weyn ula yaaban yihiin.
Dhulkan ayaa ah mid ku yaalla Dhulka loo yaqaano Shacabka, kamana dheera aqalka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland iyo goobo kale oo mihiim ah oo ay leedahay dawladu.
Hadaba boobka noocani ah ee uu madaxweyne Siilaanyo uu dantii guud uu ku taxaayo qaraabadiisa iyo qoyskiisa ayaa timid xili uu dadkii ayna isku beesha ahayn ee ku jiray guryaha ay dawladu leedahay loo qaybiyay waraaqo sheegaaya in ay guryaha ka guuraan oo baneeyaan, kuwaasi oo ay ka xishoodeen xukumadahii Cigaal iyo Rayaaleba.
Waxa uu buuq ka taagnaa ayaamahii ina dhaafay Maktabada buugaagata ee magaalada Hargysa oo uu madaxweynahu uu ugu deeqay ganacsade beeshiisa ka soo jeeda,waxana sidoo kale uu bixiyay aqalo mihiim ah oo uu siiyay wasiirada ka soo jeeda beeshiisa oo uu ku maamuusay hantidii umada, waxa uu madaxweynahu uu beeshiisa ku taxay goobahii danta guud sida xanaanadii caruurta ee Hargysa iyo Sariibadii Octobar iyo meelo kale oo mihiim ah.
Madaxtooyada iyo xubnaha kale ee xukuumadda, ayaa iyagu wali ku Hawllan kala boobka dhulka muhiimka loo arko, waxana safaf dhaadheer masuuliyiinta xukuumaddu ugu jiraan sidii ay ruqsado ugu heli lahaayeen dhulkaas danta guud ah, iyadoo dhawaan warbaahintu baahisay wareegtooyin caddaynaya Guryo dawladdu lahayd oo madaxweynuhu Mulkisiiyey Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi cali Xaaji Xasan.
SDN/QJ