Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaal tacsi ah u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Hargeysa 3, November 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo qoyska uu ka baxay marxuum Cumar Yuusuf Buuxane oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama.
Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo tacsi ah oo afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul soosaaray, Madaxweynuhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka ka tacsiyeeyay geerida ku timi guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee gobolka Awdal, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Gudida Doorashooyinka Qaranka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii gobolka awdal ee gudida doorashooyinka qaranka, MARXUUM, Cumar Yuusuf Buuxane (Cumar Shugar) oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com