Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay kana Waramay Socdaalkiisii
Hargaysa 14.Feb (SDN) Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland M.d Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaytay Booqasho hawleed oo uu ugu Maqnaa Wadamada Kenya iyo Ingiriiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa Garoonka diyaaaradaha Ee Cigaal International Airport ay ku soo dhaweeyay oo ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxaam(Cirro),Xubno isugu Jiray Golaha Wasiirada iyo Golayaasha kale ee Qaranka.
Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland M.d Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka Warama Socdaalkiisi iyo Waxyaabihii u soo qabsoomay ayaa Yidhi “Mudadii aanu maqnayn waxaanu is leenahay danaha Qaranka ayaad ku maqnaydeen Dalka Igiriiska ayaa noogu culays weynaa halkaas oo aanu ku aragnay wasiirka Arimaha Debada Ee Ingiriiska oo aanu ka wada Hadalnay arimo dhawra oo ku saabsan wax wada qabsigii Dawlada Ingiriiska iyo ka dhaxaysay Somaliland ee dhinacyada badan lahaa haday tahay xaga dhaqaalaha hayd tahay xaga nabad galyada iyo haday tahay xaga siyaasada intabay”.
Sidoo kale Waxa uu Madaxweynuhu Iftiimiyay dhawaqii dawlada Ingiriiska ee dhanka Nabadgalyada isagoo Yidhi “Waxaagaagii hawlihii nasoo dhexgayna waanu ka wada hadalnay ee mugdiga xaga nabad galyada galisay iyadana inaanu cidii hawlahaasi khusayso loo wada diro ee nabad galyada qaabilsan oo dib loogu noqdo oo la eego oo la darso ayaanu hawshaa iyada ah isla meel dhignay waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii dhaqaalaha iyo wax qabadka kale ee inaga dhaxayn lahaa loo kordhin layaa taana balan qaadyo badan baanu ka samaynay”
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu intaas ku daray inay kulan la yeesheen Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan Wadanka Ingiriiska isla markaana ay Warbixin ka siiyeen Xaalada Guud ee Wadanka “Waxa kale oo aanu la kulanay shacabka Reer Somaliland ee halkaa jooga oo aanu shir u qabanay oo aanu uga waranay Dalka Xaaladiisa iyo waxa uu ku sugan yahay waxa kale oo anu la kulanay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya dalka oo ay ka mid tahay shirkada Turkiga ah”.
Hargaysa SDN.