|

Madaxweyne Siilaanyo oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday iyo Wasiirro u Daba maray Heshiiska Shirkad Garoomada Diyaaradaha Dayac tirysa

Hargeysa:12-Jan-2014(SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo  safar  Shaqo ugu maqnaa Dalka Ethiopia ayaa Goor dhaweyd dalka dib ugu soo laabtay.

qqqqqMadaxweynaha ayaa kulamo aan u jeeddadooda la caddayn dalka ethiopia kula yeeshay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia oo martiqaad u fidiyey.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada ayaa iyana maanta u baxay safar dhinaca Dalka Imaaraadka ah, kaasoo la xidhiidha Heshiis ay la soo galayaan Shirkadda Diyaaradaha Al-carabiya.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed C/laahi Cumar ayaa wargeyska Jamhuuriya u sheegay safarkoodu inuu yahay Heshiis ay doonayaan in shirkadda Al-carabiya ku maal-gashato Garoomada Diyaaraduhu isticmaalaan ee Somaliland ku yaalla.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed