Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warramay W axa Ka Dhashay Safarkiisa
Hargeysa:10-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu Siilaanyo iyo waftigii uu Hoggaaminayey ayaa Goor Dhaweyd Ka Soo Degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport.
Madaxweynaha iyo waftigiisa oo muddo safar casuumad ah heleen la xidhiidhay ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa waxa Halkaas ku dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiirro, Xubno ka socday Aqallada Guurtida iyo Wakiillada, salaadiin, cuqaal, waxgarad iyo shacabka kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo cago dhigtay geigida diyaaradaha ee Cigaal, waxana uu saxaafadda war kooban ku siiyey Aqalak VIP-da ee Madaarka ku dhex yaalla, waxana uu sheegay in safarkiisii waddanka Turkigu uu ku soo dhammaaday Guul iyo is afgarasho dhex martay labada waddan, waxana uu uu tilmaamay inuu Kulamo Goon Goonni ah la yeeshay madaxda kala duwan ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu carrabka ku dhuftay in Ra’iisal wasaare Erdogan uu Somaliland Safar ku iman doono marka ay Habboonaato, waxana uu sheegay inay arrintani ka mid tahay Guulaha Diblumaasiyadeed ee ay wafti ahaan soo hooyeen.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilaanyo Intii uu warka siinayey saxaafadda soo hadal qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay inuu ilaahay u weydiinayo inuu indhahiisa tuso waxqabad uu sheegay inay xukuumaddiisu ku tallaabsatay.
Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisan ku wehelinayey Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Macdanta iyo Ganacsiga, waxana ay dalka Turkiga ku maqnaayeen Muddo aan ka yarayn Toddobaad.
S.S.N
Contact@somalidiasporanews.com