Madaxweyne Siilaanyo Oo Arrin Degdeg ah Ugu Ambabaxaya Dalka Ingiriiska
Hargeysa:Sep,17,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa safar degdeg ah dhawaan ugu bixi doona Dalka Ingiriiska, isada ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qurbejoog.com
Wararka ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu isagoo wata wafti kooban dhawaan u bixi doono Ingiriiska, iyadoo sababtana lagu sheegay yeedhmo degdeg ah oo uga Timi dhakhtarka uu sida khaaska ula macaamilo.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in warar la xidhiidha xaaladiisa caafimaad oo uu siiyey Dhakhtarkaasi ay sababeen inuu Dhakhtarku ugu baaqo inuu si degdeg ah u tago dalka ingriiska, waxana uu Go’aan ku gaadhay inuu dhawaan Ambabaxo.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa caafimaadkiisa waxa si gaar ah ula socda Dhakhtar ingiriis ah oo ku Nool Magaalada London, waxana inta Badan uu soo maraa Baadhitaano iyo Hubin dhanka Caafimaadka ah, waxase ay tani noqotay mid kedis ah oo isaga laftiisu aanu filaynin.
Lama xaqiijin xilliga rasmiga ah ee uu madaxweyne Siilaanyo safarka ku bixi doono, balse waxa ilaha aanu wararkooda Haynaa sheegayaan inuu qorshaynayo Toddobaadka dhawaan Bilaabmi doona inuu amba baxo.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaan laga dayrin xaalladiisa caafimaad, waxana dadka ku dhawi sheegayaan inaanu wax isbedel ahi ka muuqanin, balse uu isagu dareenka uu qabo markii uu Dhakhtarkiisa u gudbiyey uu helay yeedhmada kaga timi Khabiirkan caafimaadka sida joogtada ah ugu xidhan.
Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxweynuhu dalka ingiriiska kaga yimi safar muddo qaatay oo uu xataa caafimaadkiisa kusoo baadhay, waxase tani imanaysaa xilli dalka ay ka taagan tahay Muran iyo dood la xidhiidha Xeerka diiwaangelinta oo axsaabta Mucaaridku si weyn uga soo horjeedaan.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com