|

Madaxweyne Siilaanyo oo aasaasay Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo Saarka Shiidaalka

Hargaysa 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

 

siilaanyo-2Sida lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Waxa uu Madaxweynuhu

 

Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda      Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

 

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;  

 

Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

 

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay      mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

 

Markuu Tixraacay:                Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka        debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo        ilaalintiisa;

 

Markuu Garawsaday:           Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;   

 

Wuxuu Go’aamiyey

 

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed