Madaxweyne Siilaanyo Ogolaaday Xubinta Cusub ee Xisbiga Waddani Komishanka usoo Magacowday, Una Gudbiyey Wakiillada
Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Xalay si rasmi ah Qalinka ugu duugay xubinta cusub ee Xisbiga waddani usoo magacaabay inuu uga mid noqdo Guddida Doorashooyinka Qaranka, isagoo u gudbiyey dhinaca Shirguddoonka Wakiillada.
War-saxafadeed kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo xubintaas u gudbiyey Shirguddoonka, waxana uu ka codsaday inay Waajibaadkooda ka gutaan.
Xubinta Xisbiga Waddani kusoo darsaday Komishanka Doorashoyinka oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cismaan Aadan(sagal), ayaa ah Xubintii Toddobaad ee ka dhinayd Komishanka, waxana uu madaxweynuhu tiroba laba jeer diiday Maxamed Cismaan Fadal oo Xisbiga Waddani usoo qoondeeyey inuu u metelo Komishanka.
Warsaxaafadeedka Xubintan loogu Gudbiyey Dhinaca Wakiillada oo Nuqul kamid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidatan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014 , Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,
Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com