Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ingiriiska oo isku afgartay inay Ingiriisku dibu eegis ku samayn doonaan Hadalkii dhawaan ka soo yeedhay.
Hargaysa 11.Feb (SDN) Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynah Jsl,Md.Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo ku Sugan Wadanka Ingiriisska ayaa Maanta waxaa ku qaabilay Xafiiskiisa Xoghaya Arimaha Dibada ee Ingriiska Wiliyam Heeg.
Warsaxaafadeed ka soo Baxay Wasaarada arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa lagu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland oo ay Wahelinayaan Wasiirada Arimaha Dibada Dr.Maxamed Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr.Sacad Shire,waxa ay Mr. Heeg ka wada Hadleen,Xaalada Nabadgalyada ee Somaliland,iyagoo Sii gaara Farta Fiiqay Heerka Nabada iyo Xasiloonida ay Jamhuuriyada Somaliland Ku soo Naaloonaysay Muddo Ka badan Kow iyo Labaatan sanadood iyo Sidoo kale heerka Maamul iyo Kala dambeyn ee Dalka ka hana qaaday,iyo Sidii Kor Looga sii qaadi lahaa Arimahaasi.
Madaxweynuhu waxa uu Uga Mahad Naqay Xoghayaha Arimaha Dibada Mr.Heeg Taageerada Wax ku Oolka ah ee Ingriisku u Fidiyo Somaliland,Isagoo intaasi ku daray in Kaalmada Dawlada Biriteyn ay siiso Somaliland ay wax weyn ka tarto Arimaha Bulshada,Amaanka iyo Geedi Socodka Dimiqraadiyada Somaliland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingriiska waxay Hoosta ka Xariiqeen,Doorka Muhiimka ah ee Somaliland Ka Ciyaarto Dagaalka Lagula Jiro Aragixisada,iyaga oo Xusay in Hadalkii Dhawaant ka soo baxay Dawlada Ingriiska ee Kula Taliyay Dadka Reer galbeedka ee Ku sugan Somaliland inay Khatar ku jiraan,ay Arintaasi Dib u eegis ku sameyn doonaan,Hay’adahooda Amaanka ee Labada Dal,isla markaana ay Hawlgal wada Jir ah ka samayn doonaan khatarahaasi.
Sidoo kale Madaxweynuhu Waxa uu Xusay gacanta Ingiriisku uu ka gaysto fududaynta Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia isagoo xaqiijiyay in Somaliland ay ka go’an tahay sii ambo qaadida Wada hadalada labada Wadan.
Hargaysa SDN.